HORDHAC: Tottenham v Man City – ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada Koox iyo shaxda Macquulka.

0
109

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha Tottenham iyo Man City ayaa markii labaad laba toddobaad gudahood ku kulmaya Premier League iyadoo ciyaartii hore City guul soo laabasho 4-2 ah kusoo gaadhay Etihad Stadium.

City ayaa kulankan imanaysa iyadoo doonaysa inay u dhawaato kooxda hoggaanka ka haysa ee Arsenal oo shalay guuldarro kala kulantay Everton halka Spurs ay rabaan guul ay ugu dhawaadaan afarta kaalmood ee sarre ee kasii fogaanaya.

Kooxda ree London ayuu ka maqnaan karaa Antonio Conte oo xalay ku baaqday dalka Talyaaniga oo uu sabab caafimaad u joogo qaliina ku galay dhawaan.

Wararka Labada Kooxood

Tottenham ayay dhaawacyo kaga maqnaan doonaan xiddigaha kala ah Lucas Moura iyo Pape Matar Sarr, waxa la filayaa inay saddexleyda daafaca dhexe kusoo wada bilawdaan Romero, Dier iyo Lenglet.

Bentacur iyo Hoijbjerg ayaa khadka dhexe dheeli kara iyadoo garbaha daafaca ay ciyaarayaan Perisic iyo Emerson isla markaana Harry Kane, Son iyo Kulusevski ay weerarka ku midoobayaan.

Kooxda martida ah ayaa iyadana lagu wadaa inuu John Stones dhaawac kaga maqnaado, tababare Pep Guardiola ayaa kusoo gali kara shaxda 3-4-2-1 ee uu beryahan adeegsanayay taas oo ka dhigan in da’yarka daafaca garab ee Rico Lewis markale khadka dhexe kala ciyaari karo Rodri.

Saddexda daafac ayuu ka dhigan karaa Kyle Walker, Manuel Akajni iyo Nathan Ake taas oo la macno ah in Ruben Dias iyo Aymeric Laporte markale fadhiyayaan.

Shaxaha Macquulka Ah

Tottenham (3-4-2-1): Lloris; Romero, Dier, Lenglet; Royal, Bentancur, Hojbjerg, Perisic; Kulusevski, Son; Kane

Man City (3-4-2-1)Ederson; Walker, Akanji, Ake; Mahrez, Lewis, Rodri, Grealish; Gundogan, De Bruyne; Haaland

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium

Wakhtiga: 7:30

Garsoore: Andrew Madley