Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United oo doonaysa inay boos ka samaysato wareega afar dhammaadka UEFA Europa League ayaa kulan adag caawa marti ku ah magaalada Seville oo ay ku booqanayaan kooxda Sevilla.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Tababare Jose Luis Mendilibar ayaan wax dhaawacyo cusub ah ka cabanayn, waxa Sevilla ka maqnaan doona daafaca midig ee Gonzalo Montiel oo kaadh jaale ah qaatay lugtii hore.
Sidoo kale waxa Manchester wali ka dhaawacan Van De Beek, Alejandro Garnacho iyo Tom Heaton halka McTominay uusan u muuqan mid jug gaadhay aan wali kasoo kaban.
Warka uu ku farxay tababare Erik Ten Hag ayaa ah inuu tababarka dib uga helay Luke Shaw, Tyrell Malacia, Marcel Sabitzer iyo Rashford oo dhaawacyo mudo kala duwan ku maqnaa.
Shaw ayaa la filayaa inuu daafaca dhexe dheelo isagoo Maguire meesha ka saaraya kana garab ciyaaraya Lindelof halka Sabitzer uu khadka dhexe kala soo muuqanayo Casemiro iyo Eriksen.
Shaxaha Macquulka Ah
Sevilla (4-2-3-1): Bounou; Navas, Nianzou, Marcao, Acuna; Fernando, Gudelj; Ocampos, Rakitic, Oliver Torres; En-Nesyri
Man United (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka,, Lindelof, Shaw; Dalot, Casemiro, Eriksen; Antony, Sabitzer, Rashford; Martial
Xogaha Kulanka
Tartanka: Europa League
Garoonka: Ramon Sanchez Pizjuan
Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Artur Dias (Portugal)