Hordhac: Real Madrid Vs Valencia ee Koobka Supercopa, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka.

0
182

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha Real Madrid iyo Valencia ayaa caawa fooda isku daraya magaalada Riyadh gaar ahaan gegida King Fahad International Stadium iyagoo ku loolami doona boos loogu soo baxayo Finalka Spanish Supercopa.

Carlo Ancelotti oo hoggaaminaya Real Madrid ayaa kahor tagaya tababare Gennaro Gattuso oo kamid ahaa ardayda uu kusoo layliyay wakhtigiisii AC Milan.

Wararka Labada Koox

Real Madrid ayay ka maqnaan doonaan daafaca dhexe ee David Alaba iyo khadka dhexe ee Aurelien Tchoaumeni oo dhaawac lugta ah labaduba ku seegaya ciyaarta.

Dani Carvajal oo isagu soo laabtay ayaa daafaca midig kusoo bilaaban kara isagoo afarta daafac la dhammaystiraya Militao, Rudiger iyo Mendy.

Eduardo Camavinga ayaa lagu wadaa inuu booska Tchouameni ka dheelo isagoo khadka dhexe kala soo muuqanaya Kroos iyo Modric.

Valverde ayaa markale garabka weerar ee midigta kasoo muuqan kara si uu weerarka ula buuxiyo Benzema iyo Vinicius.

Dhinaca Valencia tababare Gattuso ayay isagana dhaawacyo mudo dheer ah kaga maqan yihiin Samu Castillejo iyo Nico Gonzalez.

Weeraryahanda weyn ee Edinson Cavani ayaa ah hubka ugu weyn ee Valencia ku dagaal galayso kulankan isagoo weerarka kala soo muuqanaya Lino iyo Kluivert.

Shaxda Macquulka Ah

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Militao, Rudiger, Mendy; Modric, Camavinga, Kroos; Valverde, Benzema, Vinicius

Valencia  (4-3-3): Mamardashvili; Correia, Comert, Diakhaby, Gaya; Musah, Guillamon, Almeida; Kluivert, Cavani, Lino

Xogta Ciyaarta

Tartanka: Spanish Supercopa

Wakhtiga: 22:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Alejandro Hernandez

Garoonka: King Fahad Stadium