Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa raadinaysa in ay guul kale soo hoyso, isla markaana ay sii wadato qaab ciyaareedka wanaagsan ee ay ka muujinayso horyaalka LaLiga, marka ay caawa garoonkeeda Alfredo Di Stefano kusoo dhoweydo Real Betis.
Los Blancos oo kaalinta labaad ku jirta, saddex dhibcoodna ka dambaysa Atletico Madrid ayaa heli doonta fursad ay mar kale si ku-meelgaadh ah hoggaanka horyaalka ugula wareegto si la mid ah markii ay horraantii toddobaadkan garaacday Cadiz oo ay 3-0 ku burburisay.
Tababare Zidane ayay kooxdiisu hoggaanka hayn doontaa illaa inta ay badinayso amaba barbarro helayso Atletico Madrid oo Axadda ciyaari doonta, taas oo haddii Simeone iyo xiddigihiisa laga badiyo ay wiilasha Zidane si rasmi ah ula wareegi doonaan hoggaanka.
Real Madrid ayaa ciyaartii ugu dambaysay guul raaxo leh ka gaadhay Cadiz oo ay ku burburisay 3-0, halka Rela Betis oo ku jirta kaalinta shanaad ay barbarro ku kala baxeen Villarreal oo lixaad fadhida.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Real Betis vs Real Madrid
Tartanka: Horyaalka LaLiga
Waqtiga: 10pm – Waqtiga Geeska Afrika
Garoonka: Alfredo Di Stefano
Wararkii u dambeeyey labada kooxood
Real Madrid waxa dhaawacyo kaga maqan Lucas Vazquez, Ferland Mendy, Sergio Ramos iyo Toni Kroos, kuwaas oo uu ku darsamay Federico Valverde oo karantiil ugu jira fayraska Korona oo ku dhacay.
Laakiin waxa liiska xiddigaha Los Blancos ee ciyaartan lagu soo daray Eden Hazard iyo Luka Modric oo dhaawacyo kasoo kabtay, halka Dani Carvajal oo ciyaarii labaad ka mid yahay xiddigaha Real Madrid ee diyaarka u ah kulankan, waxaana uu kaydka ku jiray kulankii Cadiz oo uu beddel ku soo galay, caawa ayaase la filayaa in uu kusoo bilowdo.
Marco Asensio iyo Vinicius Junior ayaa iyagana la filayaa in ay kusoo garab bilowdaan Karim Benzema.
Dhinaca Real Betis, waxa ka maqan xiddiga Faransiiska ah ee Nabil Fekir oo kaadh cas qaatay ciyaaartii Athletic ee Arbacadii, taas oo ka dhigan in uu ciyaartan kusoo bilaaban doono Andres Guardado, halka Dani Martin iyo Victor Camarasa ay dhaawac yihiin.
Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood
Real Madrid: Courtois; Militao, Varane, Nacho; Carvajal, Casemiro, Isco, Marcelo; Vinicius, Benzema, Asensio
Real Betis: Bravo; Emerson, Mandi, Ruiz, Moreno; Guardado, Rodriguez; Lainez, Canales, Joaquin; Iglesias.