Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid oo ujeedkeedu yahay inay sii wadato qaabka 100% ah ee ay horyaalka La Liga ku bilaabatay ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Real Mallorca ciyaar ka dhici doona Estadio Santiago Bernabeu.
Madrid ayaa doonaysa inay guusheedii toddobaad ee xidhiidh ah tartamada oo dhan gaadho iyagoo sidoo kale isha la raacaya inay hoggaanka kasoo ceshadaan Barcelona oo xalay kumeel-gaadh hal dhibic ugaga sii qabatay.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Benzem ayaa seegi doona saddex kulan oo uu kamid yahay midka Atletico Madrid halka la filayo in Militao soo gaadho kulankaas Derby-ga ah.
Alvaro Odriozola ayaa isagu wali dhaawac ku maqan balse waxa tababarka kusoo laabtay Jesus Vallejo iyo Nacho Hernandez. Eduardo Camavinga ayaa la filayaa inuu kusoo bilawdo kulankan isaga oo nasinaya Luka Modric.
Eden Hazard ayaa booska weeraryahanka dhexe ee Benzema ka maqan yahay ciyaari doona isagoo lagu wado inuu garbaha weerarka caawimo kaga helo Rodrygo iyo Vinicius.
Dhinaciisa tababaraha Mallorca ee Javier Aguirre ayaa qaba dhaawacyo dhawr ah waxaana kamid ah Amath Ndiaye, Dominik Greif, Idrissu Baba iyo Angel Rodriguez.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Rudiger, Alaba, Mendy; Camavinga, Tchouameni, Kroos; Rodrygo, Hazard, Vinicius
Real Mallorca (3-5-2): Rajkovic; Valjent, Raillo, Copete; Maffeo, Sanchez, Battaglia, Rodriguez, Costa; Lee, Muriqi
Xogaha Kulanka
Tartanka: La Liga
Garoonka: Estadio Santiago Bernabeu
Wakhtiga: 3:00 galabnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Jorge Figueroa