Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxdii xilli ciyaareedkii hore dishay rajadii booska afraad ee Arsenal ee Newcastle United ayaa caawa markale dili karta rajada Arsenal ka qabto ku guuleysiga Premier League xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa hadda afar dhibcood ka sarreysa hoggaamiyayaasha horyaalka ee Man City oo ay isku kulamo ciyaareen, guuldarro ay maanta kala kulmaan Magpies ayaa sababi doonta inay afar dhibcood dambeeyaan iyagoo waliba kulan dheeri ah ciyaaray.
Dhinaceeda Newcastle ayaa booska saddexaad ee kala sarreynta horyaalka joogta iyadoo laba dhibcood ka sarreysa Man United halka ay saddex dhibcood ka sarreyso Liverpool oo iyadu kulan dheeri ah ciyaartay.
Wararka Labada Kooxood
Newcastle waxa markale ka maqnaan kara Sean Longstaff iyo Allan Saint-Maximin walow kooxdu la’aantood aysan waxba noqon oo guulaha sii waday.
Kiwior ayaa markale daafaca dhexe kaga soo hormaraya Rob Holding isagoo afarta daafac kala dheelaya Gabrie, White iyo Zinchenko.
Partey ayaa kusoo laaban kara shaxda asaasiga ah isagoo Jorginho kala baxaya booska khadka dhexena kala dheelaya kabtan Odegaard iyo Xhaka halka Saka, Jesus iyo Martinelli weerarka kusoo wada bilaabanayaan.
Newcastle United (4-3-3): Pope, Trippier, Schar, Botman, Dan Burn; Joelinton, Guimaraes, Willock; Murphy, Wilson, Isak
Arsenal (4-3-3): Ramsdale; Ben White, Kiwior, Gabriel, Zinchenko; Odegaard, Partey, Xhaka; Saka, Jesus, Martinelli
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: St James’ Park
Wakhtiga: 6:30 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Chris Kavanagh