Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool oo doonaysa inay xilli ciyaareedkeeda Champions League guul ku bilaabato ayaa booqanaysa dhigeeda Napoli caawa kulan ka dhici doona gegida Diego Armando Maradona Stadium.
Liverpool ayuu ilaa haatan xilli ciyaareedkeedu yahay mid niyad jab leh, kulankan ayay imanayaan kaddib barbardhac goolal la’aan ah oo ay Everton lasoo galeen iyaga oo lix kulan oo Premier League ah kaliya sagaal dhibcood kasoo helay.
Dhinaceeda Napoli ayaa guuldarro la’aan ah shantii kulan ee ugu dambeeyay waxaana ay kulankan imanayaan kaddib guul 2-1 ah oo ay Lazio kasoo gaadheen.
Napoli ayay ka maqnaan karaan xiddigaha muhiimka u ah weerarkeeda ee Hirvin Lozano iyo Victor Osimahen kaddib dhaawacyo toddobaadkan gaadhay.
Luciano Spalletti ayaa bedelkooda adeegsan karo Politano iyo Raspadori waxaana la dhammaystiraya saddexleyda weerarka Kvaratskhelia.
Liverpool ayaa dhinaceeda kulankan waayaysa kabtan Jordan Henderson iyo Ibrahima Konate, khadka dhexe ee Thiago Alcantara ayaa soo laabtay oo la filayaa inuu qayb ka qaato kulanka walow aysan u badnayn inuu kusoo bilaaban doono.
Naby Keita iyo Chamberlain ayuu Klopp labadaba ka reebay safka uu Champions League kaga qayb galayo. Soo laabashada weeraryahan Diogo Jota ayaa sidoo kale muhiim u ah Reds oo dhibaatooyin dhinaca gool dhalinta ahi haysatay.
Da’yarka Harvey Elliot ayaa la filayaa inuu markale kusoo bilawdo isagoo khadka dhexe kala soo muuqanaya Fabinho iyo James Milner.
Darwin Nunez ayay u badantahay inuu markale kasoo hormaro weeraryahan Roberto Firmino isagoo weerarka ku weheshan doona Mohamed Salah iyo Luis Diaz.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Napoli (4-3-3): Meret; Di Lorenzo, Rrahmani, Kim, Rui; Lobotka, Zielinski, Zambo Anguissa, Politano, Raspadori, Kvaratskhelia
Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Milner, Fabinho, Elliott; Salah, Nunez, Diaz
Xogta Kulanka
Tartanka: Champions League
Garoonka: Diego Armando Maradona Stadium
Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Carlos del Cero