Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City ayaa Axadda garoonkeeda Etihad kusoo dhoweynaysa kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester United, iyadoo kulanka horyaalka Premier League uu dhici doono galabnimo xiiso badan leh.
Kulanka:Man City Vs United
Waqtiga:18:30 Xilliga Geeska Afrika
Gegada:Etihad
Garsooraha:Taylo A.
City oo ku jirta xaalad aan caadi ahayn
Kadib saddex kulan oo la ciyaaray, City waxay ku jirtaa kaalinta 13-aad iyadoo leh saddex dhibcood oo kaliya – xaalad lama filaan ah oo aysan taageerayaashu ku arag kooxda Pep Guardiola sanadihii lasoo dhaafay.
Xilli ciyaareedkii hore City kuma aysan fiicneen kulamada United. Inkasta oo Red Devils ay xilli ciyaareed adag la daalaa dhacayeen, Amad Diallo ayaa Etihad ku hogaamiyay guul 2-1, halka City ay hal dhibic ka heshay Old Trafford.
United oo cadaadis iska difaaceysa
Inkasta oo ay la kulmeen dhaleeceyn weyn, United ayaa kaga sarreeysa City miiska kala sareynta – taasoo taageerayaasha Old Trafford siineysa xoogaa niyad ah. Laakiin guuldarro weyn oo Etihad ka soo gaarta waxay beddeli kartaa xaalad kasta.
Ruben Amorim, oo xilli ciyaareedkii hore guul ka gaartay City, ayaa markan cadaadis kala kulmaya inuu natiijo la mid ah keeno. Guushii 3-2 ee Burnley toddobaadkii hore, oo Bryan Mbeumo iyo Bruno Fernandes ay goolal dhaliyeen, ayaa u suurtagelisay inay yeeshaan 4 dhibcood.
Foomka kooxaha
Manchester City (5 kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan): L L W W L
Manchester United (5 kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan): W L D L W
Dhaawacyada iyo maqnaanshaha
Pep Guardiola ayaa weli la tacaalaya dhaawacyo badan. Omar Marmoush ayaa kusoo biiray liiska dhaawacyada ee ay hore ugu jireen Josko Gvardiol, Abdukodir Khusanov, John Stones, Rayan Ait-Nouri iyo Rico Lewis. Oscar Bobb ayaa safka hore ka garab ciyaari doona Erling Haaland iyo Jeremy Doku.
Dhanka United, Ruben Amorim ayaa Altay Bayindir kusoo bilaabi doona goolka, isagoo kursiga keydka dhigi doona saxiixa cusub Senne Lammens. Matheus Cunha, Diogo Dalot iyo Mason Mount ayaa dhaawacyo uga maqnaan doona, halka Benjamin Sesko lagu soo billaabi doono kulankiisii ugu horreeyay ee horyaalka.
Shaxaha la saadaalinayo
Manchester City (4-3-3): Donnarumma; Matheus Nunes, Ruben Dias, Ake, O’Reilly; Bernardo, Rodri, Reijnders; Bobb, Haaland, Doku.
Manchester United (3-4-3): Bayindir; Yoro, De Ligt, Shaw; Mazraoui, Casemiro, Fernandes, Dorgu; Mbeumo, Sesko, Amad.