HORDHAC: Liverpool v Brentford – Reds Oo Culayska Booska 4-aad Man United Sii Saaraya, Xiddigaha Maqan & Xogaha Kulanka

0
167

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Liverpool oo booska koowaad ee Man United fadhidaa u muuqdo ayaa maanta gegida Anfield kula ballansan dhigeeda Brentford.

Liverpool ayaa walow ay kulan dheeri ah ciyaartay haddana haatan afar dhibcood ka dambaysa Manchester, guul ay caawa gaadhaan ayay hal dhibic ugu jirsanayaan Red Devils iyagoo culayska sii saaraya.

Liverpool ayaa hadda shan guulood oo xidhiidh ah soo gaadhay waxayna kalsooni ku qabaan inay ka adkaan doonaan macalin Thomas Frank iyo xiddigihiisa oo wareegii hore soo dubtay.

Wararka Labada Kooxood

Macalin Jurgen Klopp ayaan kulankan ku xisaabtami doonin oo ay ka maqnaanayaan Stefan Bajcetic, Naby Keita iyo Thiago Alcantara oo dhammaan dhaawacan.

Konate, Van Dijk, Alexander Arnold iyo Robertson ayaa markale dib ugu midoobo kara safka daafaca ee Liverpool, Fabinho ayaa doorka No.6 dheelaya isagoo ka garab ciyaari kara laba da’yar ee Elliot iyo Jones.

Darwin Nunez ayaa markale kursiga keydka u laaban kara iyadoo weerarka Reds ay kusoo wada bilaabanayaan Salah, Diaz iyo Gakpo.

Dhinaca kooxda martida ah waxa ka maqnaan doona Pontus Jansson, Christian Norgaard, Thomas Strakosha, iyo Keane Lewis-Potter, tababare Frank ayaa la filayaa inuu shax ciyaareedka 4-3-3 kusoo galo.

Shaxaha Macquulka Ah

Liverpool (4-3-3)Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Elliott, Fabinho, Jones; Salah, Gakpo, Diaz

Brentford (4-3-3): Raya; Hickey, Pinnock, Mee, Henry; DaSilva, Onyeka, Jensen; Mbeumo, Toney, Schade

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield Road

Wakhtiga: 7:30 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Anthony Taylor