HORDHAC: France v Morocco – Les Bleus Oo Final Kale U Socda, Atlas Lions Oo Mucjiso Kale Doonaya, Shaxaha Macquulka Ah & Xogaha.

0
145

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xulalka Morocco iyo France ayaa caawa afar dhammaadka koobka aduunka ku ballansan ciyaar xiiso badan iyadoo labada dal wareegii hore kusoo khaarajiyeen England iyo Portugal.

Morocco oo ah xulka lama filaanka koobka aduunka noqday ayaa ah African-kii ugu horreeyay ee afar dhammaad koob aduun gaadha halka Les Bleus doonayaan Finalkii labaad ee xidhiidh ah.

Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor

Tababare Didier Deschamps ayaa la filayaa inuu saf buuxa oo caafimaad qaba ku hayso kulankan, Jules Kounde, Varane, Upamecano iyo Hernandez ayaa daafaca markale kusoo wada bilaaban doona.

Tchouameni iyo Rabiot ayaa khadka dhexe ku midoobaya iyadoo Griezmann No.10 dheelayo halka saddexleyda weerar noqonayaan Ousmane Dembele, Olivier Giroud iyo Kylian Mbappe.

Morocco ayuu ka maqnaan doonaa weeraryahan Walid Cheddira oo casaan qaatay dhammaadkii kulankii Portugal walow uusan asaasi ka ahayn shaxdooda.

Sidoo kale labada daafac dhexe ee kabtan Roman Saiss iyo Nayef Aguerd oo isagu kulankii Portugal-na seegay ayuu labadaba shaki ku jiraa.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul

France (4-2-3-1): Lloris; Kounde, Varane, Konate, Hernandez; Tchouameni, Rabiot; Dembele, Griezmann, Mbappe; Giroud

Morocco (4-3-3): Bounou; Hakimi, Yamiq, Dari, Attiat-Allah; Ounahi, Amrabat, Amallah; Ziyech, En-Nesyri, Boufal

Xogta Kulanka

Tartanka: Koobka aduunka 2022

Garoonka: Al Bayt Stadium

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Cesar Ramos (Mexico)