HORDHAC: FC Zurich v Arsenal – Gunners Oo Europa League Bilaaanaya, Saxeexyada Cusub Ee Fursada Helaya & Xogaha Kulankan

0
140

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa caawa bilaabanaysa hirdankeeda UEFA Europa League kulan ay booqanayaan kooxda FC Zurich iyaga oo rajaynaya inaysan wax caqabad ah kala soo kulmin bilawgooda Yurub ee xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa kulankan galaysa kaddib markii ay Old Trafford guuldarro kagala soo kulantay Man United Axadii kaddib toddobaadyo guulo xidhiidh ah oo ay kusoo raaxaysteen.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Tababare Zoda ayaa saf dhaawacyadu ku yar yihiin haysta kahor kulankan waxaana ka maqnaan doona kaliya daafaca dhexe ee  Ilan Sauter iyo weeraryahan Bohdan Viunnyk.

Dhinaca Arsenal waxa la filayaa in Mikel Arteta isbedelo badan ku sameeyo shaxdii ay Man United kula soo ciyaareen isagoo fursad siin kara da’yarada Matt Smith iyo Marquinhos.

Arteta ayay tahay inuu xal u raadiyo khadka dhexe oo ay Thomas Partey iyo Mohamed Elneny ka dhaawacan yihiin iyadoo lagu wado inuu Granit Xhaka nasiyo balse kusoo bilaabo Sambi Lokonga.

Goolhaye Matt Turney iyo kubad sameeye Fabio Vieira ayaa kulamadoodii ugu horreeyay ee tartan ah kusoo bilaabanaya tan iyo markii ay kooxda xagaagii kusoo biireen.

Takehiro Tomiyasu iyo Kieran Tierney ayaa daafacyada garbaha kusoo bilaaban doona iyadoo Eddie Nketiah booska weeraryahanka dhexe kasoo muuqanayao.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

FC Zurich (3-5-2) – Brecher; Kryeziu, Omeragic, Mets; Boranijasevic, Selnaes, Dzemaili, Marchesano, Guerrero; Tosin, Avdijaj

Arsenal (4-3-3) – Turner; Tomiyasu, Holding, Gabriel, Tierney; Odegaard, Lokonga, Vieira; Saka, Nketiah, Marquinhos

Xogta Kulanka

Tartanka: Europa League

Wakhtiga: 7:45 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Mohamed Al-Hakim (Sweden)

Garoonka: Letzigrund Stadion