Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kulamadii ugu dambeeyay ceebaha lugaha kula jirtay ee Chelsea ayaa kulan London Derby ah qaabilaysa dhigeeda Crystal Palace, ciyaartaas ayaa muhiimad weyn u leh Blues oo cadaadis weyni saaran yahay.
Garabka weerar ee kooxda Shakhtar ee Mykhailo Mudryk oo ay Blues saxeexiisa xalay ka afduubteen Arsenal kuna dhaw inuu ku biiro ayaa la filayaa inuu Stamford Bridge kasoo xaadiro oo dusha kasoo daawado ciyaarta.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Denis Zakaria oo isku dhaawacay kulankii Fulham ayuu isagana diyaar ahaanshihiisa shaki ku jiraa halka aan la filayn inuu kulankan ka qayb qaato Ruben Loftus-Cheek oo dhaawac kasoo laabtay.
Ziyech, Mount iyo Havertz ayaa weerarka kusoo wada bilaaban kara markale iyadoo haddii Potter shax shan difaac uu xusho ay xaga dambe ka wada dheeli karaan Silva, Chalobah, Koulibaly, Azpilicueta iyo Cucurella.
Crystal Palace ayaa iyadu dhaawacyo ku waayaysa Nathan Ferguson iyo James McArthur balse Patrick Vieira ayuu usoo noqonayaa daafaca bidix ee Tyrick Mitchel.
Chelsea (3-4-3): Kepa; Chalobah, Koulibaly, Silva; Azpilicueta, Kovacic, Jorginho, Cucurella; Ziyech, Havertz, Mount
Crystal Palace (4-3-3): Guaita; Clyne, Andersen, Guehi, Mitchell; Olise, Doucoure, Milivojevic; Ayew, Zaha, Eze
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Selhurst Park
Wakhtiga: 5:00 galabnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Peter Bankes