HORDHAC: Celta Vigo v Real Madrid – Xiddiga Casemiro Bedelaya, Shaxda Macquulka Ah & Xogta Kulanka

0
169

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa isha ku haysa in guusha ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan 2022-23 labayso kulanka ay caawa martida u tahay dhigeeda Celta Vigo.

Kaddib guul 2-0 ah oo ay kulankii koowaad ee xilli ciyaareedka UEFA Super Cup kaga soo qaadeen Eintracht Frankfurt, Los Blancos ayaa kulankii labaad oo u ahaa midkoodii koowaad ee La Liga jiidhay Almeria oo ay guul soo laabasho 2-1 kaga guuleysteen.

Dhinaceeda Celta Vigo ayaa ciyaarteedii furitaanka horyaalka ee xilli ciyaareedkan barbardhac 2-2 ah lasoo galay kooxda Espanyol.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Celta Vigo ayaa kulankan haysata saf dhammaystiran oo aan wax dhaawacyo ah qabin sida uu xaqiijiyay tababare Eduardo Coudet kahor kulankan.

Real Madrid ayuu markale ka maqnaan doonaa xiddigeeda garabka weerar ee Rodrygo Goes oo dhaawac muruqa ah ku maqan halka Toni Kroos uu ku maqnaan doono duray ku dhacay sababtiisa.

Carlo Ancelotti ayaa waayaya Casemiro oo si rasmi ah ugu biiray Manchester United waxaana la filayaa in booskiisa iyo midka Kroos ka maqan yahay ay kusoo bilaaban doonaan Aurelien Tchouameni iyo Eduardo Camavinga.

Daafaca midig ee Dani Carvajal ayaa safka kooxda kusoo laabtay kaddib markii la nasiyay kulankii hore wuxuuna booskiisa kala bixi doonaa Lucas Vaqzuez.

Sidoo kale Eder Militao ayaa lagu wadaa inuu Nacho booska daafaca dhexe kala baxo balse waxa jirta fursad uu Antonio Rudiger ugu soo bilaaban karo haddii David Alaba doorka daafaca bidix ciyaaro.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Celta Vigo (4-1-3-2): Marchesin; Mallo, Aidoo, Nunez, Galan; Tapia; Rodriguez, Beltran, Cervi; Aspas, Paciencia

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Militao, Rudiger, Alaba; Modric, Tchouameni, Camavinga; Valverde, Benzema, Vinicius

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Garoonka: Abanca Balaidos

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Jesus Gil