HORDHAC: Cadiz v Barcelona – Barca Oo Hoggaanka Sii Qaban Karta, Fursada Bellerin Iyo Alonso & Xogaha Kulankan

0
169

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Barcelona ee uu macalin Xavi Hernandez hormoodka u yahay ayaa booqanaysa dhigeeda Cadiz kulan guul ay gaadho ay hoggaanka La Liga si kumeel-gaadh ah uga sii qaban karto Real Madrid.

Dhinaceeda Cadiz ayaa xilli ciyaareedkan bilawgiisa si weyn ugu dhibtooday iyagoo xataa hal dhibic amaba barbardhac gali waayay afartii kulan ee ay soo ciyaareen.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Tababare Gonzalez ayaa dhibaatooyin kooban ku qaba kooxdiisa waxaana kamid ah Jon Ander Garrido oo markale dhaawac jilibka ah ku maqnaanaya halka uu shaki ku jiro diyaar ahaanshaha Ruben Alcarez.

Dhinaca Barcelona waxa dhawaan dhibaato muruqa ahi haleeshay xiddiga boosaska badan u qabta ee Sergi Roberto balse waxa la filayaa inuu qayb ka noqdo xiddigaha kulanka loo qaadanayo.

Xavi ayaa diyaar la ah saxeexyada cusub ee kooxdiisa ee Hector Bellerin iyo Marcos Alonso walow aan la filayn inay kusoo bilaaban doonaan ciyaartan.

Jules Kounde iyo Alejandro Balde ayaa daafacyada garbaha uga soo muuqan kara markale Barca halka Garcia iyo Araujo daafaca dhexe ku midaysnaanayaan.

Sergio Busquets iyo Gavi ayaa la filayaa inay khadka dhexe kusoo laabtaan oo booska kala baxaan Frankie De Jong iyo Kessie oo Champions League ciyaaray halka Raphinha uu soo gali doono kaalintii Fati.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Cadiz (4-1-4-1) – Ledesma; Zaldua, Hernandez, Chust, Espino; Fede; Alejo, Blanco, Alarcon, Sobrino; Perez

Barcelona (4-3-3) – Ter Stegen; Kounde, Araujo, Garcia, Balde; Gavi, Busquets, Pedri; Raphinha, Lewandowski, Dembele

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 7:30 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Carlos del Cerro

Garoonka: Estadio Nuevo Mirandilla