HORDHAC: Brighton v Liverpool – Reds Oo Guuldarro Kale Ka Cararaya, Seagulls Oo Imtaxaamaya, Shaxaha & Xogaha Kulanka.

0
153

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa caawa u safraysa gegida Amex Stadium oo ay ku booqanayso dhigeeda Brighton, kooxda tababare Jurgen Klopp horkacayo ayaa doonaysa kasoo kabashada guuldarradii kulankii Brentford.

Reds ayaa haatan booska toddobaad kaga jira kala sarreynta Premier League kaddib markii ay Fulham habeen hore lixaad kala wareegtay, waxay u baahan doonaan guulo badan oo xidhiidh ah si ay kaalmaha Champions League lagu aado u galaan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Brighton ayuu dhaawac kaga maqnaan doonaa Jakub Moder halka Leandro Trossard oo saddexley ka dhaliyay Liverpool kulankii hore ee Anfield ay kooxdu anshax-marin ku samaynayso oo la filayo inuu seego kulankan.

Dhinaca Liverpool waxa dhaawacyo ka qaba Arthur Melo, Luis Diaz, Diogo Jota, iyo Virgil van Dijk halka Roberto Firmino uusan taam u ahayn inuu kulankan ciyaaro.
Intaas waxa dheer oo kulankan shaki ku jiraa taam ahaanshaha weeraryahan Darwin Nunez oo xaaladiisa la qiimayn doono kulanka kahor sida uu sheegay Klopp.

Matip iyo Ibrahima Konate ayaa daafaca dhexe ku midoobaya bedelka Virgil halka Henderson, Fabinho iyo Thiago khadka dhexe kusoo wada bilaaban karaan.

Cody Gakpo ayaa weerarka dhexe ka ciyaari kara bedelka Nunez halka Chamberlain iyo Mohamed Salah ay garbaha ka caawinayaan.

Shaxaha Macquulka Ah

Brighton  (4-2-3-1)Sanchez; Veltman, Dunk, Colwill, Estupinan; Caicedo, Gross; March, Mac Allister, Mitoma; Ferguson

Liverpool (4-3-3)Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Konate, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Gakpo, Oxlade Chamberlain

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Amex Stadium

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Darren England