Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal oo lumisay hoggaanka horyaalka oo si ku-meelgaadh ah ay shalay ugala wareegtay Manchester City ayaa dib ugu soo laabanaysa garoomada, waana kulan lagu tilmaamo London Derby oo ay foodda is-darayaan kooxda ay isku magaalada yihiin ee Brentford, inkasta oo ay dhinaca kale ee magaalada ay ka socoto aaska boqoraddii UK ee dhimatay ee Queen Elizabeth II.
Brentford waxay ciyaarteedii ugu dambaysay horyaalka 5-2 kusoo xasuuqday Leeds United oo ay si xun ugu tunteen, halka Arsenal ay guul-darradii Manchester United kaga soo kabatay FC Zurich oo ay 2-1 kusoo garaacday kulan ka tirsanaa Europa League.
Mikel Arteta oo kooxdiisu ay waajihi doonto Tottenham iyo Liverpool oo iskugu xigaya kaddib kulamada caalamiga ah, waxay wax walba u samayn doonaan sidii ay saddexda dhibcood uga heli lahaayeen ciyaartan, si iyaga oo hoggaanka kusoo laabtay ay u galaan fasaxa, iskuguna diyaariyaan kulamada adag ee kusoo waajahan.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Brenford vs Arsenal
Tartanka: Premier League
Waqtiga: 2pm – Saacadda Geeska Afrika
Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood
Labada xiddig ee Christian Norgaard iyo Ethan Pinnock ayaa la filayaa in ay ka maqnaadaan ciyaartan, lamana rajaynayo in ay soo noqon doonaan illaa inta laga soo noqonayo kulamada caalamiga ah, hase yeeshee Thomas Frank ayaa ku rajo weyn in Sergi Canos uu kusoo bilaaban doono.
Da’yarkii hore ee Arsenal ee Josh Dasilvaoo muddo 12 sannadood ah oo uu joogay Gunners soo gabogabeeyey 2018ayaa waxa uu kusoo bilaaban doonaa kulankan, waxaanay iska garab dheeli doonaan Frank Onyeka isaga oo beddelaya Shandon Baptiste.
Dhinaca Arsenal, waxa ka dhaawacan dhawr ciyaartoy oo muhiim ah. Thomas Partey ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa kaddib muddo uu dhaawac ku maqnaa.
Reiss Nelson iyo Mohamed Elneny ayaa labaduba seegaya kulankan oo aan wali taam noqonin, sidoo kale Emile Smith Rowe iyo Cedric Soares ayaa iyaguna aan taam u ahayn, halka Oleksandr Zinchenko isagana laga saaray liiska xulka Ukraine oo uu muddo laba toddobaad jiifayo, waxaana booska difaaca bidix kusoo laaban doona Kieran Tierney.
Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood
Arsenal: Ramsdale; White, Saliba, Gabriel, Tierney; Xhaka, Lokonga; Saka, Odegaard, Martinelli; Jesus