Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea ayaa maanta booqanaysa gegida Vitality Stadium iyagoo halkaas ugu tagaya kooxda ay min 39-ka dhibcood wadaagaan ee Bournemouth.
Labada kooxoodba waxay min 9 dhibcood ka sarreeyaan kaalmaha Premier League lagaga dhaadhaco, kulankan ayaa muhiim u ah dadaalada ay ugu jiraan inay baaqi kusii ahaadaan tartanka.
Dhinaciisa macalinka Chelsea ee Frank Lampard ayaa wali guushiisii koowaad raadinaya tan iyo kusoo laabashadiisii kooxda isagoo lix kulan aan xataa barbardhac galin.
Wararka Labada Kooxood
Cherries waxa ka maqnaan doona Ryan Fredericks, Junior Stanislas iyo Marcus Tavernier laakiin waxa xaaladooda taam ahaansho kulankan kahor la qiimayn doonaa Hamed Traore, Chris Mepham iyo Kieffer Moore.
Chalobah ayaa lagu wadaa inuu daafaca midig kusoo bilawdo isagoo afarta daafac la buuxinaya Fofana, Thiago Silva iyo Chilwell.
Lampard ayaa markale saddexleydiisa khadka dhexe kusoo wada bilaabi kara Kante, Kovacic iyo Enzo Fernandez halka Mykhailo Mudry, Kai Havertz iyo Noni Madueke weerarka kusoo wada bilaaban karaan.
Shaxaha Macquulka Ah
Bournemouth (4-2-3-1): Neto; Smith, Senesi, Kelly, Vina; Lerma, Rothwell; Ouattara, Billing, Christie; Solanke
Chelsea (4-3-3): Kepa; Chalobah, Wesley Fofana, Silva, Chilwell; Kante, Enzo Fernandez, Kovacic; Pulisic, Havertz, Mudryk
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Vitality Stadium
Wakhtiga: 5:00 galabnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: John Brooks