HORDHAC: Barcelona v Rayo Vallecano – Barca Oo Xilli Ciyaareed Ku Weyn Bilaabanaysa, Xaalada Saxeexyada Cusub & Shaxaha Macquulka Ah

0
152

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa aad u doonaysa inay qaabka ugu fiican ku bilaabato xilli ciyaareedka 2022-23 oo ay si weyn isku soo hubaysay isla markaana isha ku hayso inay u tartanto dhammaan koobabka ay qaybta ka tahay.

Barca ayaa caawa gegida Camp Nou kusoo dhawaynaysa kooxda Rayo Vallecano, Barca ayaa xilli ciyaareedkii hore booska labaad kaga dhammaysatay La Liga iyadoo 13 dhibcood ka dambaysay Real Madrid halka ay Vallecano 13-aad ku dhammaysatay.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Warka farxada ugu weyn Barcelona ayaa ah in lix kamida toddobadeedii xiddig ee aan diiwaan gashanayn ay diiwaan gashatay xalay taas oo ka dhigan inay Vallecano kahor tagi karaan Raphinha, Robert Lewandowski, Ousmane Dembele, Sergi Roberto, Franck Kessie, iyo Andreas Christensen.

Dhinaciisa garabka weerar ee Ferran Torres ayaa taam buuxa u ah oo soo kabtay kahor kulankan, Xavi Hernandez ayaa haysta saf dhammaystiran oo uu shaxdiisa ugu xoogan kasoo xusho.

Lewandowski, Dembele iyo Raphinha ayay u badantahay inay weerarka ku midoobaan iyadoo khadka dhexe uu Kessie kula soo bilaaban karo Busquets iyo Pedri taas oo ka dhigan in Frankie De Jong iyo Gavi labaduba keydka soo fadhiisanayaan.

Christensen iyo Araujo ayay u badantahay inay daafaca dhexe kusoo wada bilawdaan halka Sergino Dest iyo Jordi Alba garbaha daafaca soo fuulayaan.

Rayo Vallecano ayaa dhinaceeda kulankan dhaawacyo ku waayaysa Esteban Saveljich, Santi Comesana iyo Andres Martin halka sidoo kale uu shaki ku jiro taam ahaanshaha goolhayaha ruugcaddaaga ah ee Diego Lopez.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Dest, Christensen, Araujo, Alba; Kessie, Busquets, Pedri; Raphinha, Lewandowski, Dembele

Rayo Vallecano (4-3-3): Dimitrievski; Balliu, Catena, Lejeune, Fran Garcia; Lopez, Valentin, Trejo; Isi, Falcao, Alvaro Garcia

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Garoonka: Camp Nou

Garsoore: Alejandro Hernandez

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa