Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona oo ujeedadeedu tahay inay ugu yaraan qaab kumeel-gaadh ah kusii qabato hoggaanka horyaalka La Liga ayaa caawa soo dhawaynaysa kooxda Elche.
Barca ayaa haatan laba dhibcood ka dambaysa hoggaamiyayaasha aan wali xataa barbardhac galin ee Real Madrid, guul ay caawa gaadhaan ayay kaddib habeen dambe daawan doonaan natiijada Real ka hesho kulanka dhex maraya Atletico Madrid.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Bellerin ayaa la filayaa inuu markale daafaca midig kasoo muuqdo iyadoo Kounde u wareegayo daafaca dhexe oo uu Ronald Araujo kala ciyaari doono, safka daafaca ayay u badantahay inuu dhammaystiro daafaca bidix ee Balde.
Xavi ayaa kulankan fursad siin kara xiddigaha uu keydka dariska uga dhigay ee Frankie De Jong iyo Franck Kessie isaga oo Pedri iyo Gavi fadhiisinaya.
Sidoo kale Hernandez ayaa nasiimo u diri kara Dembele iyo Raphinha isaga oo weerarka Robert Lewandowski kula soo bilaabaya Ferran Torres iyo Ansu Fati.
Dhinaca Elche tababare Fran Escriba ayaa ka werweraya dhaawacyo dhawr ah, Gonzalo Verdu, Gerard Gumbau, Omar Mascarell iyo Jony Alamo ayaa dhammaantood dhaawacyo qaba.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Bellerin, Araujo, Kounde, Balde; de Jong, Busquets, Kessie; Ferran Torres, Lewandowski, Fati
Elche (4-2-3-1): Badia; Lirola, Roco, Bigas, Mercau; Collado, Fidel; Quina, Ponce, Milla; Boye
Xogta Kulanka
Tartanka: La Liga
Garoonka: Camp Nou
Wakhtiga: 5:15 galabnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Alejandro Muniz