Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Aston Villa ayaa maanta gegida Villa Park ku qaabilaysa Manchester City kulan xiiso badan, markii ugu dambeeyay ee labada dhinac is-arkeen ayaa ahayd maalintii ugu dambaysay xilli ciyaareedkii hore kulan go’aamiyay hanashada horyaalka ee Sky Blues.
City ayaa laba dhibcood ka dambaysa hoggaamiyayaasha Arsenal iyaga oo guul ay kulankan gaadhaan hoggaanka kula sii wareegi kara.
Villa ayaa dhinaceeda hal kulan guul gaadhay xilli ciyaareedkan iyadoo cadaadis badani saaran yahay Steven Gerrard oo xilli ciyaareedkii horena qaab gaabis ah ku dhammaystay.
Steven Gerrard ayuu markale dhaawac kaga maqnaan doonaa saxeexii xagaagan ee Diego Carlos balse waxa booskiisii kusoo bilaabanaya Jan Bednarek oo maalintii ugu ambaysay suuqa Southampton kaga yimid.
De Bruyne oo keydka kusoo bilawday kulankii hore ee Nottingham ayaa booska kala bixi kara Gundogan halka Julian Alvarez oo ciyaartii hore laba gool dhaliyay u banayn karo Riyad Mahrez.
Weeraryahan Erling Haaland ayaa la filayaa inuu markale weerarka Sky Blues hoggaamiyo kaddib laba kulan oo xidhiidh ah oo uu saddexleyo soo dhaliyay.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Aston Villa (4-3-3): Martinez; Cash, Konsa, Bednarek, Digne; McGinn, Luiz, Kamara; Bailey, Watkins, Coutinho
Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Stones, Dias, Cancelo; Silva, Rodri, De Bruyne; Mahrez, Haaland, Foden
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Villa Park
Wakhtiga: 7:30 fiidnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Simon Hooper