Hordhac: Arsenal vs Everton – Rikoodhada 200 Kulan Oo Ay Wada Ciyaareen, Fursadaha Ay U Haystaan Kaalmaha Sare Iyo Shaxaha Macquulka Ah

0
312

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates waxay caawa ku qaabbili doontaa Everton iyadoo haddii ay guuleysato usoo geli doonta kaalinta siddeedaad, isla markaana afar dhibcood u jirsan doonta Liverpool oo toddobaad fadhida

Tababare Mikel Arteta oo kooxdiisu ay dhibaatooyin badan kusoo jirtay xilli ciyaareedkan, ayaa guul ay ciyaartan ka keenaan waxay si dhab ah ugu soo noolayn doontaa damaceedii ahaa in ay ugu yaraan timaaddo boosaska loogu tartamayo Europa League, halka Champions League uu sidoo kale usoo noolaan karo xisaab ahaan inkasta oo xaqiiqo ahaan ay adag tahay in ay timaaddo, marka loo eego kooxaha ka horreeya iyo dagaalka ay iyaguna ku jiraan.

Everton ayaa sidoo kale, dedaal badan u geli doonta in ay guuleysato caawa, waxaana Carlo Ancelotti uu xaqiijisan karaa in dhibic kaliya uu u jirsado Liverpool iyo Tottenham haddii uu guuleysto iyadoo uu waliba haysto fursad kale oo uu kaga sare mari karo maadaama hal ciyaar ahi baaqi u tahay.

  • Arsenal lagama badin 24kii kulan ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League ee ay Everton ugu timid Emirates Stadium iyadoo Gunners guuleysatay 20 mar, afarna barbarro ay wada galeen. Markii ugu dambaysay ee Everton ay ku badiso garoonka Arsenal waxay ahayd January 1996kii oo garoonkii hore ee Highbury ay 1-2 ku garaacday Gunners.
  • Everton waxay rajaynaysaa in markii ugu horreysay ay labada kulanba hal xilli ciyaareed gudaheed garaacdo Arsenal tan iyo sannadkii 1985-86, waxaana ciyaartii hore ee bishii December ee Goodison Park ay guushu ku raacday Everton 2-1.
  • Kulankan ayaa noqonaya ciyaartii 200aad  ee ay labadan kooxood ku kulmaan intii ay dhisnaayeen. Arsenal ayaa gacanta sare lahayd oo badisay 98 kulan.
  • Gunners lagama badinin dhamaan sagaalkii ciyaarood ee hore ee ay dheeshay maalin Jimce ah. 7 kulan ayay dheeshay, labana barbarro ayay gashay.
  • Xogta kulanka

    Ciyaarta: Arsenal vs Everton

    Tartanka: Horyaalka Premier League

    Waqtiga: 9:30pm – Saacadda Geeska Afrika

    Garoonka: Emirates Stadium

  • Wararkii u dambeeyey labada kooxood

    Arsenal waxa dhaawacyo kaga maqan labada weeraryahan ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette oo aan taam u ahayn icyaartan, waxaana uu sidoo kale shaki ku jiraa taam ahaanshaha Martin Odegaard oo ilaa daqiiqadda ugu dambaysa uu sugayo Mikel Arteta, halka difaacyada David Luiz iyo Kieran Tierney ay labaduba dhaawac u jiifaan.

  • Everton waxa iyada usoo laabtay shan ciyaartoy. Weeraryahanka Dominic Calvert-Lewin, difaaca Yerry Mina iyo khadka dhexe ee Andre Gomez ayaa dhamaantood ciyaartan diyaar u ah.

    Laacibka khadka dhexe ee Fabian Delph iyo weeraryahanka reer Brazil ee Bernard ayaa iyaguna taam u noqday kulankan.

    Tababare Carlo Ancelotti ayaan ciyaartan haysanin labada laacib ee Abdoulaye Doucoure oo kuraanta ka dhaawacan iyo Jean-Philippe Gbamin oo jilibka wax ka qaba.

    Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

    Arsenal: Ryan; Bellerin, Holding, Gabriel, Xhaka; Thomas, Ceballos; Pepe, Smith Rowe, Saka; Martinelli

    Everton: Pickford; Keane, Godfrey, Holgate; Coleman, Davies, Allan, Digne; Rodriguez; Richarlison, Calvert-Lewin

    Advertisements