HORDHAC: Arsenal v Leeds – Gunners Oo Talaabo Kale U Qaadi Kara Horyaalka, Xiddigaha Maqan & Shaxaha Kulanka

0
93

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda hoggaanka Premier League haysa ee Arsenal ayaa maanta Emirates Stadium kusoo dhawayn doonta dhigeeda Leeds United.

Gunners ayaa ciyaaraya iyagoo og natiijada kulanka Man City v Liverpool, waxay doonayaan guul ay ugu dhawaadaan hanashada horyaalka halka Leeds rabaan guul ay kaga durkaan kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco oo ay haatan laba dhibcood ka sarreeyaan.

Wararka Labada Kooxood

Arsenal waxa inta xilli ciyaareedka ka dhiman ka maqnaan doona Takehiro Tomiyasu halka werwer laga qabay taam ahaanshaha Thomas Partey, sidoo kale Trossard iyo Tierney ayay wax gaadheen intii fasaxa qaramada lagu maqnaa, dhammaantood ayaa la filayaa inay diyaar u yihiin kulankan.

William Saliba oo dhaawac dhabarka ah qaba ayaa lagu wadaa inuu kulankan seego balse ciyaarta Liverpool ee toddobaadka dambe diyaar u noqdo.
Jorginho ayaa kusoo bilaaban kara bedelka Partey oo aan la filayn in wax halis ah la geliyo halka Rob Holding doorka Saliba dheeli karo.

Sidoo kale Gabriel Jesus ayaa markii ugu horreysay mudo dheer kaddib kulan Premier League ah kusoo bilaaban kara.

Leeds ayaa la odhan karaa dhibaato badan ayay kasoo martay fasaxii qaramada, Tyler Adams ayaa qaliin maray oo la filayaa inuu toddobaadyo maqnaado.

Sidoo kale waxa shaki weyni ku jiraa taam ahaanshaha xiddigaha muhiimka u ah kooxda martida ah ee Maximilian Wober iyo Wilfried Gnonto.

Shaxaha Macquulka Ah

Arsenal (4-3-3): Ramsdale; Ben White, Holding, Gabriel, Zinchenko; Odegaard, Jorginho, Xhaka; Saka, Jesus, Martinelli

Leeds (4-2-3-1): Meslier; Ayling, Koch, Cooper, Firpo; Roca, McKennie; Summerville, Aaronson, Harrison; Bamford

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Garsoore: Darren England

Wakhtiga: 5:00 galabnimo xilliga geeska Africa