HORDHAC: AC Milan v Inter Milan – Derby della Madonnina – Rossoneri Iyo Nerazzuri Oo Cidiyaha Ku Dagaallamaya, Shaxaha & Xogaha Kulankan

0
112

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha wada dega magaalada Milano ee AC Milan iyo Inter Milan ayaa afar dhammaadka Champions League ku kulmaya kulan xiiso badan oo ah Derby-ga caanka ah ee Derby della Madonnina.

AC Milan ayaa caawa xisaabsan kooxda garoonkeeda la joogo oo taageerayaasha badsan doonta walow garoonku yahay midka ka dhaxeeya labada dhinac ee San Siro.

Rossoneri oo uu hoggaaminayo tababare Stefano Pioli ayaa raadinaya Champions League markoodii siddeedaad halka Nerazzuri iyo macalin Inzaghi ay doonayaan markii afraad.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Werwerka ugu weyn ayaa haysta AC Milan oo uu hoggaamiyaha weerarkeeda ee Rafael Leao dhaawac uga baxay kulankii Sabtidii ee Lazio, tababare Pioli ayaa ku ducaysanaya inuu ugu yaraan kursiga keydka soo fadhiisto.

Haddii uu Leao maqnaado ayuu tababare Pioli adeegsan doonaa Ante Rebic ama Alexis Saelemaekers. Tommaso Pobega ayaa dhaawac kaga maqnaan doona Milan halka ruugcaddaaga Zlatan Ibrahimovic aysan diiwaan gashan oo uusan qayb ka ahaan karin ciyaarta.

Tomori iyo Kjaer ayaa daafaca dhexe kusoo wada bilaaban doona halka Calabria iyo Theo Hernandez garbaha daafaca kasoo muuqanayaan.

Rade Krunic iyo Sandro Tonali ayaa khadka dhexe masuul uga noqonaya Milano waxaana ka horreyn doona Ismael Bennacer halka dhinaca garbaha weerarka ay kasoo muuqan karaan Brahim Diaz iyo Saelemaekers haddii Leao maqnaado si ay No.9 ugu caawiyaan Oliver Giroud.

Inter Milan waxa dhaawac kaga maqnaan doona daafaca halbawlaha u ah ee Milan Skriniar iyo waliba daafaca bidix ee Roben Gosens.

Darmian, Acerbi iyo Bastoni ayaa la filayaa inay daafaca dhexe ee Inter kusoo wada bilawdaan iyadoo garbaha daafaca ee weerarka raacsan ay dheelayaan Dumfries iyo Di Marco.

Barella iyo Brozovic ayaa khadka dhexe wada dheeli doona iyadoo uu ka horreynayo Mkhitaryan halka Lautaro Martinez iyo Lukaku ay weerarka kaga soo hormarayaan Dzeko.

Shaxaha Macquulka Ah

AC Milan (4-2-3-1): Maignan; Calabria, Tomori, Kjaer, Hernandez; Krunic, Tonali; Messias, Bennacer, Saelemaekers; Giroud

Inter Milan (3-5-2): Onana; Darmian, Acerbi, Bastoni; Dumfries, Barella, Brozovic, Mkhitaryan, Dimarco; Martinez, Lukaku

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: San Siro

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Jesus Gil Manzano (Spain)