Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanka Dhoobley ee gobolka jubada hoose Waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka jiray hoos u dhac ballaaran oo ku yimid qiimaha lakala siisto xoolaha nool ee sayladda xoolaha magalaada dhoobley
Hoos u dhacaasi ku yimid qiimaha xoolaha lakala siisto ayaa loo sababaynaayaa deegaanku oo ay ku soo kordheen dad reer guuraa ah oo ka soo hayaamay gobolka gado iyo sodookale dalka dariska ah ee gaar ahaan waqooyi bari kenya kuwaas oo ka soo hayaamay abaarta ku habsatay deegaanadoodii una soo hayaamayay deegaanka dhoobley oo ay bilihii lasoo dhafay ay ka da’een roobab.
Hadaba si aan waxbadan uga ogaano arinkan waxaa aan waraysi layeenay qaar kamid ah bulshada xoola dhaqatada ee u soo iib keenay xoolahooda saylada xoolaha ee magaalada dhoobley iyagoo noo sheegay in qiimaha xoolaha ee hoos u dhacay uu saamayn ku yeeshay noloshoodi
Khadar Axmed Salaan. ayaa warbixintan inooga diyaariyay