Hoos u dhac ku yimid qiimaha lacagta shiinaha .

0
49

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)- Qiimaha lacagta Shiinaha ee Yuan-ka ayaa gaadhey heerkii ugu hooseeyey muddo 18 sano ah, taas oo ka dhigan in dhaqaalaha Shiinaha uu wajahayo culaysyo dhaqaale oo sii kordhaya.

Isla markaana, ganacsatada Shiinaha ee ka ganacsada mareegta Amazon ayaa qaadanaaya go’aan adag, qaar waxay sare u qaadayaan qiimaha alaabtooda halka qaar kalena ay qorsheynayaan inay gabi ahaanba ka baxaan suuqa Mareykanka. Sababta ugu weyn ayaa ah cashuuraha cusub ee lagu soo rogay badeecooyinka Shiinaha oo sare u kacay.

Dhinaca kale, Midowga Yurub ayaa u jeestay in ay kor u qaado iibsiga gaaska dabiiciga ah ee ay ka helaan Mareykanka, taas oo ay sabab u tahay cadaadiska cashuuraha ee kasoo kordhay maamulka Trump.

Trump ayaa hakiyey cashuuruhuu kusoo rogey dunida mudo 90 maalmood ah. Halka uu ku kordhiyey Shiinaha oo uu gaadhsiiyey 104%, go’aankan cusub ee uu qaatey ayaa markiiba saamayntiisa laga arkay suuqyada saamiyada Maraykanka oo $5.5 trillion ayaa suuqa markiiba dib usoo galay, taas oo ka dhigan korodh wayn.

Trump ayaa sheegay in ay jiraan wadamo badan oo ka baryaaya in cashuuraha laga dhimo, si ay taas u helaana diyaar u ah in waxwalba ay u sameeyaan.