Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hoggaamiyaha mucaaradka Tanzania Tundu Lissu ayaa la soo taagey maxkamad ku taal magaalada Dar es Salaam, halkaas oo lagula soo oogey dacwad la xiriirta khiyaano Qaran.
Lissu, oo sidoo kale ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Chadema, ayaa la xiray Arbacadii, wax yar ka dib markii uu khudbad ka jeediyey isku-soo-bax ka dhacay gobolka koonfurta ku yaaal ee Ruvuma.
Eedaha khiyaanada qaranka ee loo haysto Lissu ayaa la xiriira socdaal uu dhawaan ku kala bixiyey dalka Tanzania oo hal-ku-dheggiisu ahaa ‘haddaan isbeddel dhicin doorasho ma dhaceyso’, kaas oo uu taageero ugu raadinayey in dib-u-habayn lagu sameeyo xeerarka doorashooyinka dalkaas.
Lissu ayaa la sheegay in uu gadaal ka riixayo isbeddel lagu sameeyo Guddiga Doorashada oo uu ku doodayo in aan lagu darin xubno ay si toos ah u soo magacawdo Madaxweyne Samia Suluhu Xasan.
Walow dhegeysiga dacawadda Tundu Lissu dib loo dhigay illaa 24-ka Abriil, haddana farriinta ololihiisa ayaa loo fasirtay mid hurineysa kacdoon horseedi kara qalalaase siyaasadeed oo hareeya doorashooyinka madlan bisha Oktoobar ee 2025.