Hogaamiyaasha Yurub oo ku hagoogtay Zelensky.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kaddib kulan deg deg ahaa oo ay Axaddii shalay isugu tageen London, ayay Ra’isul Wasaaraha Britain iyo 18 hogaamiye oo reer Yurub ah kasoo saareen qodobbo rajo galinaya difaaca iyo amniga dalka Ukraine.

Ra’iisul Wasaraha Britain Keir Starmer ayaa shirka kaga dhawaaqay, qorshe ka kooban afar qodob oo lagu rabo in lagu soo dhameeyo dagaalka Ukraine laguna taageerayo qarannimada Ukraine.

Starmer wuxuu sheegay in qorshahaasi oo ay iskala shaqeeyeen Faransiiska iyo Ukraine, ay qodobbadiisu kala yihiin:

In la sii joogteeyo gargaarka la siiyo Kyiv, iyo in Ruushka lagu sii haayo cadaadiska dhaqaale si taasi ay gacan u siiso Ukraine, in la xaqiijiyo in Dowladda Ukraine ay goob joog ka ahaato miis walba oo looga gorgortamayo aayaheeda, in heshiis walba oo nabadeed uu dammaanad qaado midnimada iyo amniga Ukraine iyo in la sii wado kaalmooyinka hubka ee Ukraine si ay isaga difaacdo duullaan kale mustaqbalka.

Ra’isulwasaara Ingiriisa wuxuu sheegay in Yurub ay hadda taagantahay isgoys taariikhi ah, isla markaana aanan la joogin waqtigi hadalka, balse ay tahay xilligii wax qabadka iyo midnimada.

Shir madaxeedki Axaddii ayaa soo gabagabeyay toddobaad diblumaasiyadeed oo xamaasad leh, kaasoo ay ku jireen booqashooyin ay Washington ku yimaadeen Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer iyo madaxweynaha Ukraine Zelensky.

Kulanki Zelensky uu la yeeshay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo ku xigeenkiisa JD Vance, ayaa ku soo dhamaaday hadallo kulul oo ay dhinacyada is weydaarteen, kaas oo si toos ah looga daawanayay shaashadaha caalamka.
Trump ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha Ukraine inuu ku khamaarayo dagaal saddexaad oo dunida ka dhaco.