Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Maamul Goboledka Hirhabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe uuna qayb ka ahaa madax Wayne ku xigeenka Maamulkaasi ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Degaanada miirtaqo iyo Biya Cade ee Gobolka Shabelaha Dhexe.
Ujeedada safarka aya ahaa socdaal Madaxwaynaha Hirshabelle uu maalmihii u dambeeyay ku marayay Deegaanada kala duwan ee Gobolada Shabellaha dhexe waxana socdaalka Biya Cade ku qotomay sidii qiimayn dhab ah loogu soo samayn lahaa xalada degaankaasi islamarkaana la gaarsiin lahaa heer Degmanimo.
Madaxwaynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Biya Cade ay tahay Degmo Buuxdo oo kamid ah Degmooyinka Gobolka Shabeellaha dhexe.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa