HESHIIS BUUXA: Chelsea Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Heshiiska Difaaca Birta Ah Ee’New Paolo Maldini’

0
173

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhawaaqday heshiiska difaaca adag ee lagu naanayso ‘New Paolo Maldini oo ay kala soo wareegtay Everton, kaas oo qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah ooloogu carbinayo mustaqbalka Blues.

Chelsea ayaa si firfircoon ugu jirta suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxaanay qaybtii hore ku hawlanayd in ay iska kala-dirto ciyaartoyda tirada badan ee ku urursanaa Stamford iyadoo ay ka tageen N’Golo Kante, Cesar Azpilicueta, Kalidou Koulibaly, Edouard Mendy, Loftus-Cheek, Mason Mount, Kai Havertz, Mateo Kovacic iyo Christian Pulisic, ayaa waxa dhinaca kale waddaa qorshe ay kusoo urursanayso ciyaartooyo mustaqbalka ah.

Blues oo hore ula soo wareegtay saddex ciyaartoy oo uu ugu weyn yahay Christopher Nkunku, ayaa waxay maanta si rasmi ah usoo bandhigtay Ishe Samuels-Smith oo noqday saxeexii afraad ee xagagan ay sameeyaan.

Ishe Samuels-Smith oo ay da’diisu tahay 17 jir ayaa u dhashay waddanka England oo uu xulkiisa U21, waxaana uu kasoo baxay kulliyadda da’yarta ee Everton oo uu usii dhaafay Chelsea.

Markii ay Chelsea sida rasmiga ah ugu dhawaaqday heshiiskiisa ayuu Samuels-Smith oo difaaca dhexe ah, laguna naanayso ‘New Paolo Maldini’waxa uu la hadlay saxaafadda, waxaanu yidhi: “Naxdin ayay igu noqotay in aan imaaddo halkan sababtoo ah wax walba si degdeg ah ayay ku dhamaadeen, waanan ku faraxsanahay in aan halkan imaaddo.

“Waxay ii noqon doontaa khibrad in aan imaaddo kooxdan weyn iyo loollan cusub, sababtoo ah waxa halkan jooga ciyaartooyo sare, waana in aan si degdeg ah ula qabsado.”