Helista muwaadannimada British-ka oo la adkeeyey.

0
31

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Britain ayaa Arbacadan sheegtay inay adkeynayso sharciyada socdaalka, si ay uga dhigto mid ku dhowaad aan suurtagal ahayn in muhaajiriinta sharci la’aanta ah ee doonyaha yaryar kusoo gala ay mustaqbalka helaan muwaadannimada British-ka.

Sida ku xusan tilmaamaha cusub, muhaajiriinta kusoo gala badda ama kuwa isku qariya dhabarka gaadiidka waxaa inta badan loo diidi doonaa muwaadannimada.

“Tilmaamahan waxa ay sii xoojinayaan tallaabooyinka caddeynaya in qof kasta oo si sharci-darro ah ku soo gala UK — oo ay ku jiraan kuwa doonyaha yaryar — uu la kulmayo in codsiga muwaadannimada Britain laga diido,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Home Office).

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ee xisbiga Labour ayaa cadaadis lagu saarayaa inay dhinto soo-galootiga, kaddib markii xisbiga Reform UK ee uu hoggaamiyo Nigel Farage, oo ka soo horjeeda socdaalka, uu doorashadii guud ee u dambeysay ka helay qiyaastii afar milyan oo cod, taasoo ahayd guul aan hore loogu arag xisbi midigta fog.

Hase yeeshee, isbeddelkan sharciyada waxaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah xildhibaannada Labour.