Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hey’adda istaatiskiga qaranka ayaa qabatay tababar ku saabsan tirakoobka arimaha dambiyada, waxaana ka soo qeyb galay gudiga farsamada ee istatikisga arimaha dambiyada sida maxkamada racfaanka, xeer ilaalinta cid-ga.
Ujeedka tababarkan ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta ururada bulshada rayidka ee arimaha tirakoobka dambiyada oo ku saleysan tiro intee laeg ayaa gasha dambiyada.
Agaasimaha waaxda arimaha bulshada ee hey’ada tirakoobka qaranka mudane saciid cabdullahi cabdi ayaa sheegay inay muhiim tahay in lahelo xogta dambiyada si loo helo xog lagu kalsoon yahay oo ay somaliya yeelato.
Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya