Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda maaraynta musiibooyinka qaranka Somaaliyeed Ee SoDMA ayaa maanta markii labaad waxa ay diyaarad sido shixnad gargaar u dirtay gobolka Bakool ee Maamulka KGS si gaar ah degmada waajid.
Diyaarada ayaa siday gargaar ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka waxaana horay Hay’ada SoDMA ugu deeqday dawlada isutaga imaaraadka carabta.
Bulshada barakacayaasha ah ee ku nool Degmada Waajid iyo kuwa danta yar ayaa maalmihi dambe wajahayay xaalad adag iyadoo baaq degdeg ah oo ka yimid dadkaasi ay manta ka jawaabta Hay’ada SoDMA.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa