Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo hakisay Wax-ka-beddelka Xogta Baasaboorka.

0
46

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in muddo seddex bilood ah, oo ka bilaabanaysa 1-da Janaayo ilaa 31-ka Maarso 2025, si ku-meel-gaar ah loo hakiyey hawlaha wax-ka-beddelka xogta baasaboorka, gaar ahaan kuwa la xiriira burinta ama beddelidda macluumaadka ku jira baasaboorka.

Go’aankan, oo ay hay’addu sheegtay inuu yahay mid ku saleysan horumarinta iyo tayeynta baasaboorka Soomaaliga, ayaa loogu talagalay in dib-u-eegis lagu sameeyo habraacyada iyo farsamooyinka la xiriira wax-ka-beddelka xogta baasaboorka.
Hay’adda ayaa tilmaantay in arrintan ay tahay tallaabo loo qaaday ilaalinta iyo kor-u-qaadidda sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed ee caalamka.