Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda maareynta musiibooyinka oo ka jawaabaysa baahiyaha bani’aadannimo ee dalka ayaa gargaar loogu tala-galay dadka abaaraha saameeyeen u dirtay degaannada dowlad gobolleedka Puntland.
Guddoomiyaha hay’adda SoDMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeqdaan raashinka ah oo loo qorsheeyay in la gaarsiiyo Saddex kun (3,000) oo qoys ku wareejiyay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland.
Ma aha markii ugu horreysay ee Hay’adda SoDMA gargaar gaarsiiyo degaanno ka tirsan Puntland, todobaad ka hor ayay ahayd markii dowladda Imaaraaka ay magaalada Boosaaso ka dajisay 200 oo tan oo raashin ah, iyadoo la raacayo tilmaamaha SoDMA.