Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS, Maxamed Cusmaan Naastaro, ayaa maanta Hay’adda Gargaarka ee Boqor Salmaan kala wareegay qalab loogu talagalay dadka naafada ah.
Wasiiru-dowlaha ayaa qalabkaan ku wareejiyey Hay’adda Naafada Qaranka, si loogu taageero dadka u baahan.
Munaasabaddaan oo ka qabsoontay xarunta Tiyaatarka Qaranka ayaa Hay’adda Naafada Qaranka ku qaybisay 63 kuraasta dadka naafada ah, 20 usha lagu boodo, iyo 20 usha socodka. Xafladda waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka, Mohamed Abdul Jamac, Safiirka Boqortooyada Sacuudiga, Ahmed bin Mohammed Al-Mawlid, iyo Madaxa UNDP, Lionel Laurens.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa u mahadceliyay hay’adda King Salman, wuxuuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay dadaallada noocan ah ee lagu daboolayo baahiyaha dadka naafada ah, loogana shaqeynayo in ay si buuxda u dhexgalaan bulshada.
- Wuxuu mar kale xaqiijiyey sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay horumarinta xuquuqda iyo nolosha dhammaan muwaadiniinta, gaar ahaan dadka nugul.