Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Hooyada uurka leh waxa uu jirkeedu wajahayaa xaalad cusub oo leh dhinacyo badan sida dheecaamada jidhka, qaabka shaqo ee xubnaha jirka iyo muuqaalka jidhkaba.
Haddaba Hooyo kasta oo uurleh ama uur qaadi rabtaa waxay ubaahantahay inay wax badan ka ogaato waxa ay tahay uur qaadisto iyo marxaladaha ay mari doonto si loo helo Hooyo iyo uur-jiif caafimaad qaba iyo dhalmo bad-qabta.
daryeelka hooyada uurka leh ayaa ah hawl qoto dheer una baahan ugu horrayn aqoon si hooyadu ugu qanacdo aadista xarumaha caafimaadka inta ay uurka leedahay si waafaqsan ugu yaraan xilliyada loo asteeyay.
Maxamed Cali Samow.ayaa Warbixintan ino diyaariyay.