Haweenka Soomaaliyeed oo door wanaagsan ka qaadanaya Ganacsiyada Cusub ee Dalka.

0
215

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bulshada Soomaaliyeed ayaa ah kuwa ku firfircoon hal abuurka ganacsi iyado inta badan loo tixgaliyo dadka Soomaaliyeed in ay yihiin dad ku wanagasan curinta iyo abuurista Ganacsiyo midha dhala.

Iyado ay xusid mudan tahay in markii ay burburtay dowladdii dhexe Dalkeena ay burbureen dhammaan Hay’addahii dowladda oo ay ka mid ahaayeen kuwa Waxbarashada,Caafimaadka iyo sido kale guud ahaan adeegyada aas aasiga u ah Nolosha adanaha.

Ganacsiga ayaa ahaa waxa kali ah ay Soomaaliya kaga duwanaatay dalalkii kale ee burburay, waxaana ganacstada Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka ay qaarkood door muhiim ah ka qaateen qeybaha kale duwan ee ganacsiyada Dalka.

Hadaba si aan wax badan uga ogaano ganacsiyada Haweenka waxan Waraysi la yelanay Qaar kamid Haweenka Bayacmushtaraka ah Ee Deegaanka Dhoobley anago ka wareysanay sida ay u ganacsadaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo waxyaabaha iska badalay ganacsigoda Haweenkani ayaa shegay in uu ganacsigoodu uu hoos u dhacay kadib markii ay sare u kaceen Badeecadihii ay iibin jireen

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay