Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Haweenka Soomaaliyeed ayaa ah kuwo kaalin muhiim ah kaga jira arimaha horumarinta bulshada sida dib u dhiska dalka iyo kobaca dhaqaalaha.
Sido kale Dumarka Soomaaliyeed waxay door wayn ka qaataan horumarinta Ganacsiga iyagoo badankoodu ay mas’uuliyad gaar ah iska saara sidii ay ku maarayn lahaayeen nolosha Qoysaskooda
Dagmada dhoobley ee gobolka jubada hoose waxaa ku nool Haween badan oo siyaabo kala duwan u ganacsada soona kordhiyay adeegyo ganacsi oo bulshada faa’iido u leh.
Qaar kamid ah haweenkasi ayaa Radio Sanguuni uga warramay ganacsigooda iyo horumrrada ay ka sameeyeen gancsiga.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixibtan inooga diyaarisay