Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Aqalka Sare oo yeeshay kulankoodii 8-aad ee Kalfadhiga Koowaad ayaa ansixiyay xubnaha guddiyada Aqalka Sare oo ka kooban sideed guddi.
- Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarrada, waxaa loo doortay Senator abdiwali habsade.
- Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta waxaa loo doortay Senator Nimco-Ayan Hassan
- Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada waxaa loo doortay Senator Deeqo Xuseen.
- Guddiga Difaaca iyo Amniga waxaa loo doortay Senator Adam Abdinasir
- Guddiga Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxaa loo doortay Senator Maryan Farah Kahiye.
- Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka waxaa loo doortay Senator Dr Cusmaan Dufle.
- Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka, waxaa loo doortay Senator Zeinab Ismail Mohamed.
8. Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska waxaa loo doortay Senator Cabdi Dhuxuloow Dhagdheer.