Haweenka Magaalada Dhoobley oo labarayo Xirfado Shaqo.

0
271

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)Kulan ay isugu yimaaddeen haweenka Dhoobley ayaa u jeedadiisu ahayd sidii haweenka deegaanka shaqo abuur loogu samayn lahaa, waxaana kulanka soo qaban qaabisay mid kamid ah hayadaha samafalka ee ka ka hawlgala magaalada Dhoobley.

Fardawsa Maxamed Muuse oo katirsan hay’adda kulanka soo agaasintay ayaa hoosta ka xarriiqday inay ka go’antahay is garab taaga haweenka deegaankan, waxaa ay sheegtay in ay xooga saarayaan sidii haweenka degaanka  loo bari  lahaa xirfado fudud oo ay ku shaqaytaan.

Magaalada Dhoobley waxaa ay kamid magaalooyinka ay ku nool yihiin Dumarka Shaqo la,aanta ah waxaana ay hada wixii ka danbeeya ay rajeynayaan in ay noloshooda wax badan iska badasho kadib marka ay bartaan xirfado shaqo.

Warbixintaan waxaa inoo soo Jeedinaysa:-Xamdi Sugoow Lamaane.