Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in 196.000 oo haween ah ay sanad walba ku geeriyoodaan deegaannada dhaca koofurta saxaraha Afrika.
Geerida haweenka ayay hay’addu ku sababaysay dhibaatooyinka ay haweenku la kulmaan xilliga uurka sadddex dalool dalool ka mid ah haweenkaas ayaa u geeriyooda dhiig bax soo wajaha xilliga dhalmada.
Kala badh geerida ku timaadda hooyooyinka dunida ayaa ka dhacda Afrika gaar ahaan koofurta saxaraha weyn iyada oo 65% geeridaasuna ay timaaddo dhalmada kaddib
Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in 17% ay hoos u dhaceen dadka ku deeqa dhiigga ee qaaradda Afrika gaar ahaan intii uu dunida ka dillaacay xanuunka Covid-19.
Hay’adda ayaa ku baaqday in qaaradda loogu deeqo dhiig si loo badbaadiyo carruurta iyo hooyinka ay soo wajahaan halista dhiig la’aanta.