Haweenka ka ganacsada Caanaha xoolaha ee Deegaanka Dhoobley oo kawaramay saameynta ay ku yeelatay Abaartu Ganacsigoda.

0
221

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley iyo deegaanada hoos yimaada waxay kamid yihiin meelaha laga dareemayo abaarta saameysay dadka ku dhaqan miyiga.

Caanaha oo aad looga isticmaalo Deegaanka Dhoobley waxa ay ka yimaadaan miyiga fog ee Deegaanada hoos yimaada Magaalada Dhoobley xiligan oo abaar ba’an ay ka jirto qeybo badan oo kamid ah Gobaladda Dalkeena Soomaaliya waxaa ciriiri noqday sidii lagu heli lahaa caano la intifaacsado maadama ay jiraan abaaro baahsan kuwaas oo saameyay xoolihii laga heli jirey caanaha.

Dadka ka ganacsada caanaha ee ku nool Magaalada Dhoobley ayaa kawaramay saameynta baahsan ee ay ku yeelatay abaartu ganacsigooda caanaha.

Fardowsa Cabdi Axmed.ayaa kawarameysa.