Haweenka Gobolka Jubbada Hoose oo u diyaar garoobay garab istaagga dadka ay saamaysay fatahaadda

0
163

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Haweenka gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen garab istaagga dadka ay saameeyeen Roobabkii ka da’ay qeybo badan oo kamid ah Deegaanada Jubbaland.

Faadumo Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Haweenka Degmada Kismaayo iyo Guddoomiyaha Haweenka Gobalka Jubbada Hoose Faadumo Aaden Kateela oo si wada jir ah ula hadlay Warbaahinta ayaa ugu baaqay Haweenka Degmada Kismaayo iyo Gobalka Jubbada Hoose in ay garab istaagaan dadka walaalahood ah ay waxyeeladu ka soo gaadhay Daadka.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa fah-faahinaya