Haweenka Dhoobley oo Hambalyo u diray Idaacada Sanguuni oo laba Sano jirsatay.

0
182

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sanguuni ayaa ah idaacad ka hawlgasha Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose iyo nawaaxigeeda waana idaacad kahadasha arimaha bulshada.

Idaacadda sanguuni ayaa U dabaal dageysa sanagurada 2-aad kadib markii la aas’aasay 15kii june 2020-kii iyado noqotay Warbaahintii ugu horeysay ee ka hawlgasha deegaanka xiligaas.

Hadaba Qaar kamid ah bulshada ku nool magalada dhobley ee gobolka jubada hoose oo aan waraysi la yelanay ayaan weydiinay waxyaabihii ugu badnaa ee ay ka faii’deen mudadii ay idaacada ka hawlgalaysay degaanka.

Ugu dambayn waxaan dhankeeda waraysi la yeelanay gudomiyaha ururka haweenka ee deegaanka faduma cabdi yusuf taas oo sheegtay in idaacadda door weyn ka qaadatay wacyi galinta bulshada islamarkaana hambalyo ku aadan sanad guurada u dirtay maamulka iyo shaqaalaha idaacadda.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay