Haween ku nool Dhoobley oo noloshooda ka maareeya iibinta dhuxusha

0
215

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Jarista dhirta waxay sababtaa dhulku inuu dhinto, saxaro lama deegaan ahna noqdo, nafaqaduna kasalguurto.

Waxaanu wada ognahay in jarista dhirta ay dhibaato ku heyso deegaanka balse hadana waxaa jira qoysas ay ku tiirsan tahay nolol maalmeedkooda kuwaasoo dhuxusha ku iibiya suuqyada magaalada dhoobley.

Qaar ka mid ah haweenka dhuxusha ku iibiya magaalada dhoobley oo aan waraysi layeelanay ayaa inooga warbixiyay sida ay noloshooda uga maareeyaan iibinta dhuxusha

Dawlada fadaraalka soomaliya iyo hay’adaha qaramada midoobay ee ka shaqeeya ilaalinta deegaanka ayaa dhawr jeer ku baaqay in la joojiyo jarista dhirta si looga hortago xaalufinta deegaanka kaas oo muujinaysa in ayna ku baraarugsanayn ahmiyada ay ledahay dhirta.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya