Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo mudooyinkii u dambeeyay dunidu ay u sii talaabsaneysay horumarro kala duwan oo salka ku haya qalabka digitaalka ah oo maalinba maalinta ka dambeysa uu ku soo kordhayo wax cusub,ayaa hadana waxaa Suuqyada habka online-ka wax lagu iibsado ay yihiin kuwo ku cusub gayiga Soomaalida.
Qaar kamid ah haweenka ku nool Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose oo ku ganacsada habka casriga ah ee online ka ayaa Gabdhaha kale ee Soomaliyeed gaar ahana kuwa ku nool Degaanada Jubaland ugu baaqay inay ku soo biiran habka casriga ah ee loo ganacsado.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa faah-faahineysa