Haween ku nool Deegaanka Dhoobley oo Nolosha Qoysaskooda ka maareya Nidaamka ayuutada.

0
421

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Qaar kamid ah Haweenka danyarta ah ee kula nool Gobolada dalka ayaa sameyta ganacsiyo iyago ka faa’iideysanaya Habka lacagaha la iskugu dar darsado ee loo yaqaano ayuutada.

habkani oo ku baahsan dalka aadna caan uga ah ayaa sanadihii dambe ahaa mid laga sameynayay iskaashi dhaqaale islamarkaana laga sameyay ganacsiyo midha dhalay.

Ayuutadu waa hab ay kooxo Haween ah ay isku darsadaan lacago taasi oo marka ay gadho mudadii lagu balamay marba qof la siiyo.

waxaa Magaalada Dhoobley ee Gobolka jubbada Hoose ku nol Haween Iskaashatooyin ah kuwaasi oo ganacsiyo yar yar ka abuuray ayuutado ay ku midoobeen kana sameeyeen hormar dhaqale oo nolshaada iyo mida Qoysaskoodaba ay ku maareeyaan.

hadaba qaar kamid ah Haweenka ku maareeya nolosha Qoysaskooda habkan lacgaha yar yar la iskugu Darsado ayaa kawarbixiyay sida ay u maamulaan lagacaha iyo sida ay nolosha ubadkooda ugu dabaraan.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa warbixintan ku eegeysa