Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dumarka Soomaaliyed ayaa muddooyinkii danbe kaalin muuqata kaga jiray horumarada kala duwan ee dalka ka jira sida Dhaqaalaha,Ganacsiga,Siyaasadda iyo farshaxanka,iyagoona la imaanayay halabuur kala duwan oo wax badan ka badalay Nolosha Qoysaskooda.
Magaalada Kismaayo waxaa ku nool Haween soo saara agabyada kala duwan ee Hidaha iyo Dhaqanka ay Soomaalidu caanka ku tahay,kuwaas oo ay kaga qayb qataan soo Noolaynta Hida iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.
Agabayada haweenkani sameyaan waxa kamid ah Darmaha ama Cawdaa, Masafaha,Danbiisha Koofiyadaha dharka loo yaqano Al-hindiga iyo agab dhaqameydyoo kale oo badan.
Hawenkani ayaa agabka ay soo saran u iib geeya suuqyada Magaalada Kismaayo waxeyna dhaqalaha kaso galo ku mareyaan Nolashooda iyo mida Qoysaskooda.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan ku eegeysa.