Haween fursado shaqo ka helay Goobaha lagu Qurxiyo Dumarka ee Magaalada Dhoobley

0
363

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barashada xirfadaha dhar tolista, qurxinta gabdhaha iyo sido kale dhar kariska ayaa fursado shaqo u noqtay gabdho badan oo aan fursad u helin in ay qalin ku shaqeeystaan.

Magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose ayey wayaadii dambe ku soo badanyeen gabdhaha bartay habka loo qurxiyo Dumarka islamarkaana ku shaqesanaya qurxinta Haweenka.

Gabdho badan oo ku nool gayiga Soomaalida ayay fursado ganacsi u noqotay Qurxinta Dumarka kuwaasi oo iskugu jira gabdho wax bartay iyo kuwo una waqtigu ku simin in waxbartaan balse taa badalkeed ku dhiiraday in ay la yimaadaan hal abuur ay noloshada iyo mida qosaskooda ku maareeyaan.

Qaar kamid mid ah gabdhaha ka shaqeeya xarumaha qurxinta Dumarka ee ayaa kawarbixiyay sida ay ugu adeegaan Dumarka soo boqda xaruntooda ganacsi islamarkaana doonaya in la qurxiyo.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa