Haween danyar ah oo ku nool Dhoobley oo Noloshoda ka maareeya dhar ay ku iibiyaan hareeraha wadooyinka.

0
241

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Bari samaadkii marna lama arki jirin dukaama waa weyn oo haweenku kaalin ay kaga jireen howlaha ganacsiga marka laga reebo caanaha iyo Khudaarta laakiin haatan waxaa soo if baxay mehrado iyo carwooyin dumarku ay ka yihiin hormuud islamarkaana dhexdoodu uu ka jiro tartan dhanka hormarinta alaabooyinka iyo dharka ay iibiyaan.

walow ay kala hormarsan yihiin mehradaha ay dumarku ku ganacsadaan oo kala heer ah ayaa hadana ay ku xiran tahay socod siinta ganacsigaas waji furnaan iyo macaamiil wacan oo lala yeesho dadka u soo dukaameysi tagay meheradaha ganacsi.

Suuqyada Magaalada Dhoobley waxaa jiro haweenka siyaaba kala duwan uga ganacsado sida kuwa leh mehrado dharka iyo maacuunta lagu iibiyo waxaa soo raaca dumarka ka ganacsada dahabka halka kuwa qaarna ay hareeraha wadooyinka ku iibiyaan dharka noocyadiisa kala duwan kaas oo ay nolosha qoysaskooda ku maareeyaan ka gaancsigiisa.

Qaar kamid ah haweenkaasi ayaa Radio Sanguuni uga warbixiyay ganacsigooda iyo sida ay noloshooda uga maareeyaan.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan ku eegeysa